Wararka Dibada: Militariga Zimbabwe oo La Wareegay Xarumaha Dowlada

Posted by on Nov 15th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Zimbabwe-tanks-879559Ciidamada Militariga ee dalka Zimbabwe ayaa xalay saqdii dhexe iyo arooryadii Saaka oo Arbaca ah la wareegay Telefishinka dowlada ZPC iyo qaar kamid ah Xarumaha dowlada.

Askarta ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayaa wadooyinka caasimada Harare.

Afhayeen u hadlay Militariga oo kasoo muuqday Telefishinka ayaa sheegay in hawlgalka socda uusan ahayn afgembi balse ay wadaan hawlgal ay kusoo qab qabanayaan burcad ku hareeraysan Madaxweynaha iyo Madaxtooyada, ayuu yiri Gen.Moyo.

Gen.Moyo ayaa dhinaca kale sheegay in Madaxweynaha iyo Qoyskiisa ay nabad qabaan isla markaana xaalada ay caadi kusoo noqon doonto marka ay soo afjaraan hawlgalka socda.

Hawlgalkan ayaa kusoo beegmay todobaad kadib markii Madaxweyne Robert Mugabe uu xilka ka qaaday Madaxweyne kuxigeenkiisii Emmerson Mnangagwa oo la filayey inuu noqon doono ninka xilka kala wareegi doona.

Madaxweyne kuxigeenka xilka laga qaaday Asbuucii hore Mr. Emmerson Mnangagwa ayaa taageero badan ku leh Militariga dalkaasi.

Xil ka qaadista Emmerson Mnangagwa ayaa la sheegay inay ka danbeyso haweenayda Grace Mugabe oo ah Xaaska Madaxweyne Mugabe oo iyadu dooneysa inay xilka la wareegto, balse militariga ayaa si weyn uga soo horjeeda in haweenaydaasi ay xilka qabato.

Taliyaha Militariga Zimbabawe Constantino Chiwenga ayaa todobaadkii hore sheegay inay tilabooyin qaadi doonaan.

Taliska Militariga ayaa sidoo kale sheegay in xilka Madaxweynaha uusan qabin karin qof aan kamid ahayn dadkii usoo halgamay dagaalkii xoriyada wadankaasi.

Madaxweyne kuxigeenka xilka laga qaaday Emmerson Mnangagwa oo kamid ahaa raga fara ku tiriska ah ee kasoo haray raggii lasoo halgamay Mugabe dagaalkii xoriyada ayaa isagu maalmo kahor wadanka isaga baxay walow uu sheegay inuu soo noqon doono.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

Email:聽Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress主题

Advertisement

Recently Commented

WordPress主题
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright 漏 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology