Somaliland oo Digniin u Dirtay Puntland

Posted by on Nov 12th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

MUUSEMusharraxa Xisbiga Kulmiye ee Soomaaliland Muusa Biixi ayaa fariin hanjabaad ah u diray Maamulka Puntland.

Muusa Biixi ayaa sheegay in xubno ka tirsan Puntland faragalin qaawan ay ku hayaan doorashada madaxtinimada Maamulkaasi Soomaaliland.

Waxaana uu carabka ku dhuftay, haddii Puntland ay joojin weyso faragalinta ay weerari doonaan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaasi.

Sidoo kale Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muusa Biixi ayaa intaasi ku daray in madaxda Puntland galangal xoogan ay ku leeyihiin doorashada Soomaaliland, taasina ay tahay wax aan loo dul qaadan karin.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli dhawaan Baarlamaanka Puntland ay Qaraar ka soo saareen doorashada Soomaaliland in lagu qabto deegaanada Sool iyo Sanaag oo ay isku hayaan Maamullada Soomaaliland, Puntland iyo Khaatumo.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Weboy

Advertisement

Recently Commented

Weboy
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology