Ciidamada Amaanka Muqdisho oo Bilaabay Hubinta Gaadiidka AMISOM

Posted by on Nov 12th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

amisom11Ciidamada dowladda Federalka Somaliya, gaar ahaan ciidanka ku sugan xayndaabka Madaxtooyada Somaliya ayaa bilaabay inay hubiyaan gaadiidka Amisom ee maraya wadada, marka ay soo gaaraan Koontaroolka ciidanka ay joogaan.

Sheekada ku saabsan in ciidamada dowladda ay hubiyaan gaadiidka Amisom waxa ay ka dambeysay, kadib markii maalmahan dambe Magaalada si wayn looga hadal haayay suurtagalnimada in gaadiid Amisom ay leeyihiin weeraro loo adeegsado.

Al Shabaab ayaa horay waxa ay u qabsadeen gaadiid ay leeyihiin ciidanka Amisom, waxaana maalmahan dambe aad u soo xoogeysanaayay warar ku saabsan in Shabaab weeraro qorsheysan ay u adeegsan rabaan gaadiidka Amisom ee horay ay u qabsadeen.

Ciidamada Militariga ee ku sugan Koontaroolka tiyaatarka, ayaa maanta celiyay gaadiidka Amisom, waxaana ay ku amreen wadaha gaariga inuu soo dago, kadibna uu keeno aqoonsi muujinaayo in gaadiidkaan ay yihiin kuwa Amisom.

Wadihii gaariga Amisom ayaa ka soo dagay gaariga, wuxuuna tusay aqoonsigiisa askariga Militariga Madaxtooyada ka tirsan, kadibna sidaasi ayaa lagu fasaxay gaadiidka Amisom.

Feejignaan badan ayaa ka jirta Magaalada Muqdisho oo la xiriirta dhanka ammaanka, waxaana si wayn Magaalada looga baqayaa inay ka dhacaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

Email:聽Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress主题

Advertisement

Recently Commented

WordPress主题
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright 漏 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology