Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo Sheegtay In La Adkeeyay Ammaanka Muqdisho

Posted by on Nov 12th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

AFHAYEEN XILDHIBAANWasaaradda amniga Somaliya ayaa sheegtay in si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo laga duulayo ka hortagga weeraro Shabaab ay ka gaystaan Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Somaliya C/casiis Cali Ibraahin, ayaa sheegay ciidamada ammaanka inay kordhiyeen hawlgalada ay ku xaqiijinayaan ammaanka Magaalada Muqdisho, sidoo kalena lagu hubinaayo gaadiidka Magaalada.

Wuxuu sheegay qorshaha adkeynta ammaanka Muqdisho inuu salka ku haayo si looga hortago weeraro Shabaab ay la eegtaan goobaha ganacsiga ee Magaalada gudaheeda ku yaallo.

Wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa ka taagan ciriiri xoogan oo ku aadan in gaadiidka si wayn loo baaro, waxaana sidoo kale jirta in Koontaroolo badan Magaalada gudaheeda ay dhex yaalaan.

Afhayeenka Wasaaradda amniga ayaa sheegay shacabka Somaliyed in laga doonaayo Wasaaradda amniga inay ku soo wargeliyaan dadka ay ku arkaan iyaga oo ku guda jira falal ka dhan ah ammaanka.

Wuxuu sheegay kooxaha dilalka iyo qaraxyada ka gaysta Magaalada gudaheeda inay  ka soo baxaan guryo Magaalada ku yaalo, isaga oo ka dalbaday shacabka Somaliyed inay soo sheegaan dadkaasi dhibaatada u maleega Muqdisho gudaheeda.

Wixii ka dambeeyay qaraxii Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho feejignaan dhanka ammaanka ah ayaa ka jirta caasimadda gudaheeda.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

Free WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology