Wararka Dibada: Daawo Xassan Nasrallah “Sacuudiga Waxay Shaaciyeen Dagaal Ka Dhan Ah Lubnaan”

Posted by on Nov 11th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

_98708006_146cfe8c-219c-4f42-8d01-3f5f29008b09Hogaamiyaha ururka xisbilah ayaa ku eedeeyya dowladda Sacuudiga in ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Lubnaan, todobaadyo uun ka dib markii uu iscasilay rai’sul wasaarihii Lubnaan Sacad al Xariiri.

Xassan Nasrallah ayaa sheegay in Mr Xariiri uu la hayste u yahay xukuumadda Sacuudiga.

Nasrallah ayaa sheegay in Sacuudiga ay dagaal ka dhex hurinayaan dadka reer Lubnaan.

Waxa uu sidoo Sacuudiga ku eedeeyay in ay ku kicinayaan Israa’iil oo ay kaashanayaan.

Ururka awooda badan ee Shiicada ee Xisbulahi ayaa waxa taageera dowladda Iran oo ay si wayna isaga soo horjeedaan Sacuudiga .

Xariiri ayaa isagu iscasilaadiisa ku saleeyay khatar uusan sheegin waxa ay tahay oo naftiisa soo wajahday.

Hasa yeeshee madaxwaynaha Lubnaan Michel Aoun iyo siyaasiyiinta kale ee sarsare ee Lubnaan ayaa waxay dalbanayeen in mr Xariiri uu dib ugu soo laabto Lubnaan .

Mr Aoun ma uusan aqbalin iscasilaada Xariiri uu iska casilay xilka raisul wasaaraha.

Mr Xariri si toos ah uma uusan hadal tan iyo wixii ka dambeeyay iscasilaadiisii oo ahayd mid lama filaan ah.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Premium WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

Premium WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology