Injineer Saalax Sheekh Cusmaan: “Waxaan Ka Badbaaday Isku Day Dil”

Posted by on Nov 5th, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

injineer saalaxEx-wasiirkii Qorsheynta Xukuumadii Cumar C/rashiid Injineer Saalax Sheekh Cusmaan ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day dil.

Siyaasiga Saalax Sheekh ayaa qoraal uu goordhaweyd soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eelaay uu amar kubixiyay in la khaarajiyo.

Qoraalka Injineer Saalax Uu Soo Dhigay Bartiisa Facebook Ayaa u Qornaa Sidaan:-

Warsaxaafadeed-Baydhaba
——–
ISKU DAY DIL OO AAN KA BAD BAADAY!

Maalmihii la soo dhaafay waxaa hawlo shaqo ku joogay Magaalada Baydhabo, ujeedada aan halkaan u imid ayaa ku saabsaneyd sidii aan ugu adeegi lahaa shacbigayga K/Galbeed.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa Baydhabo iyo hareeraheeda ka da’ayay Roobab mahiigaan ah, damiir ahaan waxaan goostay sidii aan Gargaar ugu fidin lahaa dadka ay waxyeelada ka soo gaartey Roobabkaasi.

Kaalmadii aan ugu tala galay inaan gaarsiiyo shacbiga reer Baydhabo waxaa maanta iga hor istaagay Wasiirka Amniga oo haatan ku magaacaban ku-simaha Madaxweynaha K/Galbeed Xasan Eelaay, ninkaasi ayaa ciidamo daacad u ah waxa uu ku amaray inay i Khaarijiyaan, Dilkayga ayaa la qorsheeyay in lagu soo beego waqtiga aan qeybinayo kaalmada aan u sido dadka masaakiinta ah.

Xasan Eelaay ayaa askartiisa farey inay dharka Ciidamada iska dhigaan marka ay duulaanka sameynayaan si loo yiraahdo Wasiir Saalax Sheikh Cusmaan waxaa Dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, falkaan guracan ayaa ah mid ka soo horjeedo Dastuurka iyo Xuquuq Insaanka.

Anigoo ka xun arintaasi ayaa ummadda Soomaliyeed waxaan u caddeynayaa inaan Sharciga iyo Maxkamadaha la tiigsan doono.

Dulmi aan geed loogu soo ganban ayuu igula kacay Xasan Eelaay, waxaa nasiib daro ah inuu Aniga kaligey i soo bartilmaameedsado, Siyaasiyiin badan oo aan la dhacsaneyn Maamulka K/Galbeed ayaa ku sugan Baydhabo, siyaasiyiintaasi ayaa looga baqayaa Qabiiladooda oo ku Hubaysan Magaalada Gudaheeda.

Kaalmadii uu ninkaasi hor istaagay ayaa mar kale haddii uu Alle idmo waxaa Berri la gaarsiin doona shacbigii aan ugu talagalay, marnaba ma dhaceyso inay i baqdin galiso falkaasi Waxashnimada ah, sharaf ayay ii tahay inaan u Geeriyoodo Anigoo u adeegayo dadkayga dhibaateysan, adduunka aan maanta ku nool nahay waa ka dhamaadey Kali Talisnimo, suurtagalna ma aha in shacabka K/Galbeed lagu dul hayo Nidaam aaney dooneynin, Isbadal waa inuu dhacaa si horumar loo gaarsiiyo ummadda ku nool deeganada K/Galbeed.

MAHADSANIDIIN.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology