Handadaad Iyo Cago-jugleyn Lagu Hayo Xildhibaano Iyo Siyaasiyiin Ku Sugan Magaalada Baydhaba

Posted by on Nov 4th, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Xaawo-Xasan-Maxamed-wasirka-caafimadka-600x3991Wali iyadoo Xaalad Siyaasadeed oo kacsan ay ka taagan tahay Baydhaba ayaa xilligaan waxaa soo baxaya Xildhibaano iyo Siyaasiyiin sheegaya in lagu Handaday Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay.

Xaawo Xasan Maxamed (Lahelow) oo horey usoo noqotay Wasiirkii Caafimaadka Xukuumadii Cumar C/rashiid oo shalay gaartay Magaalada Baydhaba ayaa sheegtay in la handaday.

“Markaan soo gaaray Baydhaba waxaa telefoonkayga iga soo wacay Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen (Xasan Eelaay) oo igu yiri hadalo handadaad ah” ayay tiri Ex-wasiir Xaawo.

Xaawo Xasan ayaa sidoo kale sheegtay in horey loo handaday Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Magaalada Baydhaba ayaa wali waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo kacsan, waxaana Xildhibaanada Koonfur Galbeed ay ku mashquulsan yihiin Mooshin ay ku doonayaan inay xilka kaga qaadaan Madaxweynaha Maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog

Advertisement

Recently Commented

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology