Xildhibaan Cali Xasan “Anagoo 91 Xildhibaano Ah Waxaan Saxiixnay Mooshin Ka Dhan Ah Madaxweynaha K/galbeed”

Posted by on Nov 1st, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

cali xasanSida ay noo xaqiijiyeen Xubno katirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa maanta la saxiixay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaano tiradooda tahay 91 ayaa maanta saxiixay Mooshinka looga soo horjeedo Madaxweynaha Koonfur Galbeed lana doonayo in xilka looga qaado, waxaana wali socda Xubnaha saxiixaya Liiska uu ku qoran yahay Mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan.

Xildhibaan Cali Xasan Cismaan ayaa caawa Ishabaydhaba.com u sheegay in Xildhibaano 91 ah uu isagu ku jiro in ay saxiixeen Mooshinka Madaxweynaha looga soo horjeedo, waxa uuna Xildhibaanka intaa-raaciyay in waqtiyada soo aadan loo gudbin doono Mooshinkaasi Gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada ayaa Baydhaba waxa ay kawadaan loolan adag ay ku doonayaan in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya meesha kaga saaraan, waxa ayna Xildhibaanadan ku doodayaan in Shariif Xasan ku fashilmay wax ka qabadka waxyaabo badan.

Lama saadaalin karo halka ay ku biyo shuban doonto Xiisada Siyaasadeed ee ka jirta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress

Advertisement

Recently Commented

WordPress
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology