Laamaha Ammaanka Dowladda oo Teleefan Gaar Ah u Sameeyay Xaaladaha Deg Degga

Posted by on Oct 18th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

xaalad-deg-degLaamaha ammaanka dowladda Federalka Soomaaliya oo ka jawaabaya xaaladaha ku aadan gurmadka la xiriira dhanka ammaanka iyo ficilada kale ee Muqdisho ka dhaca ayaa sameeyay taleefoon gaar ah oo dadka ay kala soo xiriiri karaan.

Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Ducaalle (Islow) ayaa Bartiisa xiriirka Bulshada ee (Facebook) wuxuu soo dhigay qoraal kooban oo uu kaga hadlaayo taleefoonka gaarka ah ee Hay’addaha ammaanka sameeyeen.

“Hay’addaha amniga waxay sameeyeen Telefoonka xaaladdaha deg degga ah dadku kala soo xiriiri karaan wixii akhbaar ahna u gudbin karaan WAC 991.” Ayuu yiri Wasiirka amniga oo qoraalkaan soo dhigay boggiisa xiriirka Bulshada.

Shacabka Somaliyed ayaa horay ugu dhibanaa meel ay kala xiriiraan laamaha ammaanka dowladda, xilliyada ay jiraan xaaladaha u baahan ka jawaabista deg degga ah ee ciidamada.

Inkastoo laamaha ammaanka ay soo bandhigeen taleefoonkaan u gaarka ah laamaha ammaanka ayaa haddana waxaa aad u yar kalsoonida shacabka Somaliyed ay ku qabaan inay xiriir wargelin ah la sameeyaan laamaha ammaanka, maadaama aysan jirin isku haleyn badan oo shacabka ay qabaan.

Dowladda Federalka Somaliya ayaa looga fadhiyaa inay ka fekerto hanaanka ugu haboon ee lagu kalsooni gelin karo bulshada Somaliyed si loo helo ciidan iyo Bulsho si hufnaan ah u wada shaqeeya.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog

Advertisement

Recently Commented

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology