Daawo Sawirrada: Dibadbax Ballaaran oo Ka Dhacay Magaalada Baydhaba

Posted by on Oct 18th, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Banaanbax-1Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa maanta ka dhacay Banaanbax ballaaran oo ay dhigayeen dadka shacabka ah ee ku nool Magaaladaasi.

Banaanbaxan ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa dareenka dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo ka dhiidhinaya qaraxii dadka lagu xasuuqay ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Boqolaal Shacab ah ayaa isugu soo baxay Buundada Isha Baydhabo ee Magaalada Baydhabo, waxaana madaxa ay ku soo xirteen dadka maro gaduudan oo ay ku muujinayaan Baroordiiqdooda.

Quluubta Shacabka Soomaaliyed ayaanan ka go’in weerarkii xasuuqa ahaa ee 14-kii Bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho oo dad badan lagu laayay.

Shalay ayaa Banaanbax waxaa ka dhacay Magaalooyinka Cadaado iyo Kismaayo oo dadka dareenkooda ay ku muujinayeen wixii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Banaanbax-1Banaanbax-2Banaanbax-3Banaanbax-4Banaanbax-6Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

 

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology