Xukuumada Soomaaliya oo Sheegtay In Caawa Ay Soo Bandhigi Doonto Baaritaanka Qaraxii Zoope

Posted by on Oct 18th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

yariisowXukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ballan qaadey habeenka caawa ah in ay shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigi doonto natiijo hordhac ah oo la xiriirta qaraxii lagu diley boqolaalka qof ee ka dhacay Muqdisho maalintii Sabtida ee 14 Oktoobar.

Wasiirka Warfaafinta Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo la hadlayay Telefishinka Dowaldda ayaa sheegay in Hay’addaha ammaanka ay fiidnimada caawa soo bandhigayaan baaritaano hordhac ah oo ku saabsan qaraxii ka dhacay isgoyska Zoope.

Waxaa jira warar si hoose uga soo baxay laamaha amaanka ee baaritaanka wada, kuwaas oo sheegaya halka kiiskan lugaha la galay, iyo sida gaariga aan la baarin ee xamuulka ah uu ku gaarey KM5. Waxaa jira warar sheegaya in bartilmaameedku ahaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, halka warar kale sheegayaan in uu ahaa saldhigga Turkigu ka furteen Muqdisho, inkasta oo xogtaasi aysan ahayn mid xooggan.

Si kastaba baaritaankan kama qayb-qaadanayaan hay’ado caalami ah sida qaraxii diyaaraddii Dallo Airlines oo ay qayb ka ahaayeen FBI, sidoo kale Dowladda ayaa ku fasaxdey shacabka goobtii musiibadu ka dhacdey, waxaana ay waxyeelo u geysan kartaa baaritaan kasta oo lagu sameeyo.

Su’aalaadka la iska weydiinaayo qaraxan ayaa ah:

  • Gaariga qaraxa fuliyey, wuxuu ahaa, mulkiilayaasha, cidda dalka keentey
  • Halka lagu soo diyaariyey bomka
  • Xiriirka ka dhexeeya gaariga kale ee ku qarxay wadada Madina Gate
  • Isbaarooyinkii uu soo dhaafey cidda ka sood eysey, sababta loo baari waayey
  • Xagee ahaa bartilmaameedku
  • Yaa ka danbeeyey weerarkan, yaase fududeeyey
  • Wadihii gaariga maxaa laga ogyahay, maxaa ka jira in uu ahaa askeri horey uga tirsanaa ciidanka dowladda
  • Yaa qaadanaya masuuliyadda dayaca amniga
  • iyo su’aale kale oo badan

Waxaa si weyn loo sugayaa ballan qaadka Wasiirka Warfaafinta Dowladda federaalka iyo waxa Dowladdu soo bandhigto caawa.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Weboy

Advertisement

Recently Commented

Weboy
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology