Daawo Sawirrada: Jabuuti oo Noqotay Dowladii Labaad ee Noo Soo Gurmata

Posted by on Oct 16th, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Jabuuti1Waxaa gelinkii dambe ee maanta Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka soo cago dhigatay diyaarad ka timid dalka Jabuuti, taasoo siday agab caafimaad, dawo iyo shaqaale caafimaad.

Shaqaalaha caafimaad ee ka socdo dalkaasi Jabuuti, ayaa waxaa lagu wadaa inay gacan ka gaystaan gurmadka loo fidinayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoope.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin diyaaradda ay soo dirtay Jamhuuriyadda Jabuuti, taasoo uu qiray inay sido dhakhaatiir iyo dawo loogu talagalay dhaawacyada.

Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti ee u fadhiya Somaliya, Danjire Aadan Xasan Aadan, ayaa xaqiijiyay in shaqaalahan caafimaad uu horkacayo Wasiirka Caafimaadka Jabuuti, Jaamac Cilmi Cokiye.

Jabuuti waxay noqoneysaa dowladdii labaad ee ka jawaabta baaqii Madaxda Dowladda Somaliya, ee ahaa in lagala qayb qaato gurmadka dadkii ku dhaawacmay qaraxan.

Maalinta berrito, ayaa waxaa la fillaya inay Magaalada Muqdisho soo gaaraan shaqaale caafimaad oo ka socda dalka Qatar.

Dalalka deriska oo ay Kenya ku jirto, ayaa waxaa lagu wadaa inay iyaguna ka qayb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxaasi.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa maanta sheegay in Kenya ay garab taagan tahay dowladda iyo shacbiga Somaliyeedba.

JabuutiJabuuti2Jabuuti1Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

Email:聽Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress主题

Advertisement

Recently Commented

WordPress主题
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright 漏 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology