Xasan Khayre: Qofna Ka Ogolaan Mayno Dhaliil Dalka Lagu Duminayo

Posted by on Oct 12th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

KhayreXasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa caawa si dadban oo xanaf laga dhadhansan karay u weeraray Madaxda Maamul Goboleedyada, ka dib markii ay maanta Magaalada Kismaayo ka soo saareen War Murtiyeed culeys ku ah Dowladda Federaalka.

Ra’iisal Wasaaraha oo ka qaybgalay munaasabad lagu xusaayay Maalinta Calanka Somaliyeed, laguna soo bandhigayay Golaha Dhalinyarada Qaranka, ayaa wuxuu ka sheegay inaanan qofna laga ogolaan doonin dhaliil dalka lagu burburinayo.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa ku baaqay inaanan la ogolaan dhaliil ujeedo gaar ahi laga leeyahay, laguna fushanayo dano qaasa, sida uu yiri.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa shacabka Somaliyeed ee niyad jabka ka muujiyay xaaladda hadda jirtaahi u sheegay in Madaxda maanta aanay ahayn sida kuwii hore oo kale.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog

Advertisement

Recently Commented

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology