Akhriso: Nuxurka Khudbadihii Laga Jeediyay Shirkii Xildhibaanada Koonfur Galbeed Maanta Ku Qabteen Muqdisho

Posted by on Oct 11th, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

22405534_205250553356953_3978988484607944341_nXildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta shir ay ku qabteen magaalada Muqdisho ku soo gudbiyay warbixino la xiriirira maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo gogol u dhigay Siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka,bulshada rayidka, haweenka iyo dhalliyarada ka soo jeeda gobollada Koofur Galbeed, xildhibaanada waxay ka warrameen siyaasada guud ee Madaxweyne Shariif Xasan intii uu xilka hayay, iyo horumar la’aanta, waxay ka hadleen arrimaha bulshada, nabadgelyada, maamul xumada, musuq maasuqa baahsan iyo ku takri falka awoodaha xafiiska madaxweynaha.

Xildhibaan Cali Xasan Cismaan oo ka mid ah Xildhibaanada KGS ayaa aad uga hadlay dhamaan qodabada dastuurka ah ee uu jebiyay Shariif Xasan, sheegayna inaanay u dulqaadan Karin intaan ka dib, ayna diyaar u yihiin inay xilka ka qaadaan Shariif Xasan isagoo sheegay in ay 94 xildhibaan ku saxiixeen mooshin la xisaabtan ah oo la horgaynayo baarlamaanka KG 17ka bishan.

Xildhibaan Amiin ayaa sheegay in Shariif xafiiskiisu yahay diyaarad dusheeda uuna dan ka lahayn bulshada uu hogaamiyo sidaa darteedna la gaaray xiliigii uu bixi lahaa.

Xildhibaan Dhubbad ayaa isagana ka hadlay arrimaha bulshada, abaaraha iyo barakacayaasha ku nool magaalada Baydhaba iyo sida maamulka Shariif ugu xad gudabyo dadkaa tabalaysan iyagoo iibsanaya macaawinadii loogu talo galay dakaa tabaalaysan, xildhibaano fara badan oo ka soo jeeda KG ayaa aad ugu nuux nuuxsaday dhibaatada weyn ee ka taagan gobolka iyo in la gaaray xilligii Shariif Xasan laga qaadi lahaa xilka uu ku qaatay sida aan waafaqsanayn sharciga.

Wasiirkii hore Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed Carraale ayaa aad uga hadlay oo shaki weyn geliyay sharciyadda uu ku joogo Shariif Xasan, wasiirka wuxuu yiri, madaxweynaha ergo ayaa dooratay, dastuurkana 60 casho ayuu u oggolaa inuu baarlamaan ku soo dhiso ka dibna baarlamaanka dib u doorto oo la xalaaleeyo, maadaama sadex sano ka soo wareegatay oo uusan baarlamaanka kalsooni weydiisan uu yahay madaxweyne aan sharci ahayn, uguna baaqay Gudoomiyaha baarlamaanka koofur galbeed inuu guddi doorashi sameeyo si loo doorto madaaxweyne cusub sida ugu dhakhsiyaha badan, illayn waa madaxweynaha kaliya ee maamulada ka jirka oo aan baarlamaan dooran,

Xildhibaan horey uga tirsanaan jiray Baarlamaankii Federaalka, Samaan ayaa isagana sheegay in Shariif Xasan in ka badan 800  jeer ka duulay Baydhaba mudadii uu xilka hayay, uuna ahayn mid maslaxad Somaliyeed haya, muhiimna tahay inuu ka dego xilka soona dhoweeyay go’aanka xildhibaanda KG ee ah in lala xisaabtamo.

Ugu danbayn Xildhibaan Abdifataax Ibraahim Geeseey ayaa aad uga hadlay taariikhda lagu dhisay maamulka koofur Galbeed Soomaaliya iyo sida aan looga faa’iidaysan muddadii xilka uu haya Shariif Xasan, Geeseey wuxuu sheegay in Shariif Xasan Maamulka KG soo dhaafin waayay airporka Baydhaba, shacabkana u ooman yihiin Maamul caadila, isagoo sheegay inuu ku hadlayo magaca shacabka soo doortay iyo xildhibaanada kale ee Baarlamaanka Federaalka inay soo dhoweynayaan go’aanka Xildhibaanada Koonfur Galbeed lana shaqeynayaan ilaa ay ka gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, kaasoo ah inay la xisaabtamaan madaxda fashilka ah.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Theme

Advertisement

Recently Commented

Free WordPress Theme
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology