Daawo Sawirrada: Kulan Looga Hadlayay Aayaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Posted by on Oct 11th, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

22310622_10214826052950810_5637934748003367844_nXildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa magaalada Muqdisho ayaa kulan looga hadlayay Aayahay Koonfur Galbeed waxay maanta la qaateen Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Deegaanada K/galbeed, Mas’uuliyiin xilal kasoo qabtay  dowladihii hore, Waxgarad, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Culumaa’udiin iyo Ururada Bulshada.

Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed oo kulanka abaabulkiisa lahaa ayaa waxay warbixin guud siiyeen dadkii kasoo qeybgalay kulanka, iyaga oo muujiyay in loo baahan yahay isbedel lagu sameeyo hogaanka maamulka Koonfur Galbeed oo ku fashilmay howlihii loo igmaday.

Waxgaradkii halkaasi ka hadlay ayaa u balanqaaday Xildhibaanada Koonfur Galbeed inay kala shaqeynayaan sidii isbedel loogu sameyn lahaa Hogaanka Maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana ay aad usoo dhaweynayaan baahida loo qabo in isbedel deg deg ah lagu sameeyo Hogaanka Maamulka.

Waxaa maalmahaan Magaalooyinka Baydhaba iyo Muqdisho kasocda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ay wadaan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kaas oo ay ku doonayaan inay xilka kaga tuuraan Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

22281581_10214826068511199_6411383314264749563_n22308977_205250510023624_3219266321544645710_n22310524_205250586690283_859257040195284900_n22365283_205250543356954_9011365057478458392_n22405534_205250553356953_3978988484607944341_n22310622_10214826052950810_5637934748003367844_nKala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress

Advertisement

Recently Commented

WordPress
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology