Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo Wada Hadal u Furay Oromada Iyo Soomaalida

Posted by on Sep 19th, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hailemariam DesalegnRa’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn  ayaa kulan wadahadal ah u qabtay madaxda Maamulada Somalida iyo Oromada dalka Itoobiya oo waayahan xiisad adag ay ka taagneyd.

Kulanka oo ay ka qayb galeen madaxda Maamulada,Odayaasha Labada dhinac iyo wakiillo ka socday dowladda Federaalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay shaqaaqada dhexmartay Soomaalida iyo Oromada.

Hailemariam Desalegn, ayaa ku hanjabay in tallaabo cad laga qaadayo dadkii ka dambeeyay khilaafka sababay dagaalka ee u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida.

Waxaa uu Raiisal Wasaaraha Itoobiya hanjabaad gaar ah u diray Warbaahinta labada maamul ee buun buuninaya colaadda labada dhinac isaga oo sheegay in si gaar ah Warbaahinta loola xisaabtamayo.

Dadka Oromada iyo Soomaalida ayuu ugu baaqay in ay nabad ku wada noolaadaan,islamarkaana ay ka waantoobaan dagaalka oo uu sheegay in ay gacmo shisheeye ka dambeeyaan.

Wada hadallada oo ka sii socon doona Adis ababa ayaa looga hadlayaa wixii ka dhex dhacay Soomaalida iyo Oromada,xalka laga gaarayo iyo sidii looga hortagi lahaa in mar kale ay soo laabtaan dhacdooyin noocaas ah.

Qowmiyada Oromada ayaa waxa ay dileen Soomaali gaaraysa 42 ruux, iyadoo 18 ka mid ah aas qaran loogu sameeyay Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology