Xukuumada Soomaaliya oo Shaacisay Lacagta Midowga Yurub Shaqo Ugu Abuurayo 1000 Dhalinyaro Ah

Posted by on Aug 17th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

xukuumada soomaaliyaDanjiraha midawga yurub u qaabilsan soomaaliya Veronique Lorenzo ayaa shaacisay xadiga ay lacag ay ugu tala galeen in shaqo loogu abuuro dhalinyarada soomaalida ah.

Danjire Lorenzo oo kulan la qaadatay raysal wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegtay in lacagta ay ugu tala galeen shaqo abuurka ay ka faa,iidaysan doonaan dhalinyaro gaaraysa 1000(kun).

Raysal wasaare Xasan Cali Khayre oo ugu horayn ka hadlaya kulanka uu la qaatay danjiraha midawga yurub ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “ Waxaan Safiirada iyo ururka midawga yurub uga mahad celiinayaa sida ay u cadeeyeen inay diyaar u yihiin inay garab istaagaan dawlada iyo horu markaba.”

Raysal wasaare Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Midawga yurub waxay hore u bixiyeen 2 million oo Euro oo ay ugu tala galeen taageerada booliska soomaaliya,haatana waxay diyaariyeen inay 2 million oo kale ugu tala galaan inay mashaariic shaqo abuur ugu sameeyeen dhalinyaro soomaaliyeed oo gaaraya 1000 iyada oo maamul goboleedyadana la gaarsiinayo mashaariicda shaqaalaysiinta.”

Raysal wasaaraha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa hore u shaaciyey in magaalada Muqdisho laga shaqaalaysiin doono dhalinyaro tiradoodu gaarayso 1000, balse wakhtigaas ma uusan cadayn in midawga yurub bixinayo mashaariicda dhalinyaradan loogu abuurayo shaqada.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology