Baydhaba: Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Ansixiyay Gollaha Wasiirada

Posted by on Aug 17th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

koonfur-galbeed-333-640x480-300x194Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeesheen Magaalada Baydhabo ku  ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Shariif Xasan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka codsaday xildhibaanada Baarlamaanka in ay codka kalsoonida ah ay siiyan Wasiirada, si ay u qabtaan adeegyada ay Bulshada ka sugayaan.

Kulanka waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.

112 mudane ayaa ogolaatay,5  waa ay diiday halka 6 kalena ay ka aamuseen, sidaasi dareedeed Guddoonka Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay ansax yihiin golahaasi Wasiirada.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa intaasi ka dib u mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, isagoona ugu baaqay in ay dardargeliyaan Shaqadooda.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Premium WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

Premium WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology