Cosoblaha Xilka Laga Qaaday oo Taageero u Muujiyay Sacuudiga Iyo Imaaraadka Carabta

Posted by on Aug 17th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

COSOBLEMadaxweynihii xilka laga qaaday ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa war ka soo saaray xiisada u dhaxeysa dalalka Khaliijka,War qoraal ah oo ku qornaa luqada English-ka ayaa lagu sheegay in xiisada u dhaxeysa dalalka Khaliijka uu saameyn aad u xun oo dhinaca amniga iyo ganacsiga ku yeelan karo Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in aan dhex dhexaad laga noqon karin walaaca ay qabaan dowladdaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka inay dib u eegis ku sameyso go鈥檃anka ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka, ayna garab istaagto saaxibada dhabta ah ee Soomaaliya oo ah Sacuudiga iyo Imaaraadka, sida lagu yiri qoraalka.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowlad goboleedka Hirshabeelle ay cambaarneyso dowladaha iyo hey鈥檃daha aan dowliga aheyn ee taageera argagixisada Soomaaliya iyo kuwa kale.

Maalintii shalay ayay aheyd markii war saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland lagu taageeray xulafada Sacuudiga uu hoggaamiyo, iyadoo dowladda Federaalka loogu baaqay inay dib u eegis ku sameyso go鈥檃ankii ay ka qaadatay xiisada Khaliijka.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

Email:聽Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress主题

WordPress主题
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright 漏 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology