Wararka Dibada: Boqor Salmaan oo Sheegay Shakhsi Ahaan In Uu Bixin Doono Kharashka Xujayda Reer Qatar

Posted by on Aug 17th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Boqor-Salman-Sacuudiga-740x416Qoraal kasoo baxay Xafiiska Boqorka Sacuudiga Salmaan ayaa maanta oo khamiis ah lagu sheegay in la furi doono xaduuda u dhaxeysa Boqortooyada Sacuudiga iyo Qatar si xujayda reer Qatar si fudud ugu soo galaan dalka Sacuudiga.

Warbaahinta Sacuudiga oo saaka baahiyey qoraalka kasoo baxay xafiiska Salmaan ayaa lagu sheegay in Boqorka Sacuudiga uu sanadkan bixin doono dhamaan waxa kharash ah oo ku baxaya Xujayda ah muwaadiniinta reer Qatar.

Wuxuu sidoo kale Boqor Salmaan uu diyaaradahiisa khaaska ah u diri doonaan magaalada Doxa si ay halkaasi uga soo qaadaan Xujayda reer Qatar, ayaa lagu yiri qoraalkan.

Waa markii ugu horeysay ee uu Sacuudiga furo xaduuda dhulka ee uu la wadaago dalka Qatar tan iyo intii ay xayiraada kusoo rogeen Qatar bishii June.

Xujayda reer Qatar ayaa loo furi doonaa xaduuda looyaqaan SALWA umana baahna muwaadiniinta Qatar wax fiiso ah.

Dowlada Qatar ayaa horey cabasho uga keentay xayiraada xulafada Sacuudiga ay dalkooda saareen oo sheegeen in sidoo kale ay saameyn ku yeelan doonto Xujayda reer Qatar, Xukuumada Doxa ayaa ku eedaysay Sacuudiga inuu siyaasadeeyey cibaadada Xajka ee sanadkan.

Go’ aanka Salmaan ayaa u muuqda in looga jawaabayo eedeynta uga timid Doxa, balse dowlada Qatar ayaan weli ka hadlin go’ aankan maanta kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology