Kooxo Hubaysan oo Dil Ka Gaystay Degmada Waaberi Ee Muqdisho

Posted by on Aug 17th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

badnewsKooxo hubaysan ayaa Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho, saaka waxa ay ka gaysteen dil halkaasina waa ay ka baxsadeen sida dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen.

Ninka la dilay ayaa la sheegay inuu tag tagi jiray garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan ciidanka Nabad Suggida ee Airport-ka aagiisa Koontaroolada ku leh inuu u sameyn jiray Korontada iyo agabka kale ee la xiriira farsamooyinka.

Dilka, wuxuu ka dhacay Waaxda October, gaar ahaan xaafadda Unicef-ta Degmada Waaberi iyadoo ay meesha ka baxsadeen raggii hubaysnaa ee Bistooladaha dilka ku gaystay.

Ciidamada Dowladda ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, inkastoo aysan suuragelin in la soo qabto gacan ku dhiiglayaashii dilkaasi gaystay oo la sheegay inay ahaayeen laba ruux.

Meesha dilka uu ka dhacay meel aanan ka fogeyn waxaa ku sugnaa ciidamada Booliska Somaliya, laakiin ragga dilka gaystay oo laba wiil oo dhalinyaro ahaa, ayaa ku cararay dhanka xaafadda lagu magacaabo Buulo Gaaljecel oo ku taalo Degmada Xamar Jajab.

Dilalka qorsheysan ee ka dhici jiray Magaalada Muqdisho gudaheeda ayaa yaraaday maalmahan dambe, kadib markii ciidamada ammaanka ay kordhiyeen hawlgalada suggida ammaanka Muqdisho.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Theme

Advertisement

Recently Commented

Free WordPress Theme
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology