Daawo Sawirrada: Madaxweynaha Turkiga oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya

Posted by on Aug 17th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qaabilaad4Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya, Danjire Jaamac C/laahi Maxamed (Caydiid).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa dhawaan Jaamac C/laahi Maxamed u magacaabay inuu noqdo Safiirka Somaliya u fadhin doono Magaalada Ankara.

Madaxweynaha Turkiga, ayaa Danjiraha cusub si qurux badan ugu qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Ankara, halkaasoo uu uga qabtay waraaqihii lagu soo magacaabay.

Danjire Caydiid, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay in waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo uu ka guddoomo Madaxweyne Erdogan.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Farmaajo xafiiska la wareegay, ayaa wuxuu magacaabay saddex safiir, oo kala ah Safiirka Somaliya ee Turkiga, Safiirka Somaliya ee Britain iyo Safiirka Somaliya ee Qaramada Midoobe.

QaabilaadQaabilaad1Qaabilaad2Qaabilaad3Qaabilaad4Qaabilaad5Qaabilaad6Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology