Muqdisho: Weerar Lagu Qaaday Dad Isku Qoys Ahaa

Posted by on Aug 15th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

weerarInta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday, shan kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii rasaas lagu furay gaari ay saarnaayeen dadkan oo ka kooban hal qoys, meel ku dhow isgooska Digfeer ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Gaari ayaa la sheegay in uu soo garab istaagay gaariga ay saarnaayeen dad u badnaa carruur, ka dibna lagu furay rasaas, waxaana goobta ka baxsaday kuwii dilka geestay.

Laba ka mid ah dhaawacyada ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa culus.

Qoyska la weeraray waxaa aabe u ah madaxa shirkadda Dahabshiil ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya Xasan Cawad, waxaana la sheegay in uusan gaariga saarnayn xilliga dhibka uu dhacay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya. oo la xariira weerarkan lagu qaaday qoyskan.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology