Cali Cosoble oo Ka Soo Horjeestay Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyay

Posted by on Aug 15th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

cOSOBLE-2Madaxweynihii Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Jowhar, ayaa ka soo horjeestay xilka qaadistii ay ku sameeyeen Xildhibaano gaaraya 68 Xildhibaan.

Cosoble, ayaa sheegay in hareerihiisa ay taagan yihiin Xildhibaano gaaraya 50 Xildhibaan, isaga oo sheegay inaysan jirin tirada Xildhibaanada ay ku sheegeen kuwa xilka ka qaaday.

Wuxuu sheegay Mooshinka laga keenay inuu yahay mid sharcidaro ah, islamarkaana sidaasi aanan xilka looga qaadi Karin, isagana uu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Hirshabelle.

Cali Cabdullaahi Cosoble, wuxuu sheegay Mooshinka Xildhibaanadii waday inay gudbiyeen sida ay sheegeen maalin ka hor, maalintii xigtana ay sheegeen inay xilka ka qaadeen, taasi oo muujinaysa ayuu yiri inay tahay arin aanan sharci aheyn.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, qaarkood oo taageersan Cosoble, ayaa meesha ka sheegay inaysan jirin tirada Xildhibaanadii sheegay inay xilka ka qaadeen Cosoble.

Mar haddii Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble uu shaaciyay inuu ka soo horjeedo xil ka qaadistii lagu sameeyay, tani ayaa muujinaysa in cirka uu sii galaayo Khilaafka ka taagan Maamulka Hirshabelle.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Themes

Free WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology