Sheekh Mukhtaar Roobow oo Warbaahinta Loo Soo Bandhigay (Muuqaal+Sawirro)

Posted by on Aug 15th, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5Dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbaahuinta u soo bandhigtey Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur). Mukhaar Roobow ayaa maalmo ka hor diyaarad looga soo qaadey magaalada Xudur kadib markii uu isu dhiibey Dowladda Soomaaliya.

Dowladda ayaa ku soo bandhigtey Roobow Hotel Palaza, waxaa dhinaca midig ka yaaley Calanka Dalka, uma xirneyn duubkii uu caanka ku ahaa, waxaana uu qabey koofiyad cad, halka garbaha ay u saarneyd cimaamad, waxaa Hoteelka lagu keenay gaari nooca xabbaddu aysan karin, waxaana ka muuqdey daal badan.

Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in uu ahaa asaasayaashii ururka al-Shabaab, noqdeyna ku xigeenka Amiirka u sareeyey Ururkaas.

Mukhtaar Roobow ayaa saxaafadda u sheegay in uu isaga baxay al_Shabaab muddo shan sano iyo todoba bilood ah ka hor, sababta ayuu ku sheegay mid caqiido salka ku haysa, taas oo ka hormimaaneysa danta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed. Abu Mansuur waxa uu sheegay mudadii uu ku sugnaa Bakool in al-Shabaab ku soo weerareen oo uu iska difaacay.

Wuxuu sheegay in uu mahad celinaayo Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda, kaalinta ay ku lahaayeen heerka hadda wax soo gaareen.

Qodobka saddexaad ee shir saxaafadeedkiisa ayuu ku caddeeyey in wada hadal u socdo isaga iyo Dowladda federaalka oo uu marti u yahay, wadahadaalkaasna aan filaayo ayuu yiri in natiijo wanaagsan ka dhalato.

Roobow Abuu MAnsuur ayaa ahaa nin caan ah, waxa uu kamid ahaa asaasiyaashii Al-Shabaab, waxaana magiciisa markii u horeysey la bartey Xiligii Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay dagaalka kula jireen Dowladdii Cabdullaahi Yusuf Axmed.

Mukhtaar Roobow Cali oo loo yaqaaney Abu Masnuur ayaa soo noqdey Afhayeenkii Xarakada al-Shabaab, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa sarkiisha u sareysa ururkaas. Kadib khilaafkii dhexgalay ururka al-Shabaab ee galaaftey in la dilo qaar badan oo kamid ah saraakiishii Al-Shabaab sanadkii 2012, Roobow waxa uu baxsad ku joogey gobolka Bakool muddo shan sano ah waxaana uu isaga harey dhamaan shaqooyinka al-Shabaab. Bishii June 2017 ayaa Dowladda Maraykanku ka saartey liiska dadka madaxooda lagu raadinaayo lacagta, taas waxay soo dedejisey in al-Shabaab ay dagaal ku qaadaan halka uu ku noolaa ee Abaal iyo Yabaal ee gobolka Bakool, waxaana u gurmadey ciidanka Dowladda, kuwaas oo ugu danbeyn geeyey magaalada Xudur.

warqadda_roobow-555x740

123456Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Themes

Free WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology