War Deg Deg Ah: Sheekh Abuu Mansuur Iyo Ciidankiisa oo Gaaray Degmada Xudur

Posted by on Aug 13th, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

sheekh abuu mansuurSheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, ayaa lagu soo waramayaa inuu isku soo dhiibay Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Maamulka.

Taliyaha ciidamada Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Shiine Macalin Nuurow, ayaa inoo xaqiijiyay in Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu isku soo dhiibay Maamulka.

“Wuu isa soo dhiibay Sheekh Mukhtaar, Xudur ayaana hadda joognaa si nabad ah ayuuna ku joogaa wadaadka.” Ayuu yiri Shiine Macalin Nuurow Taliyaha Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka amniga Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eelay, ayaa sheegay inay qabanayaan Shirjaraa’id oo ay ku faah faahinayaan isa soo dhiibitaanka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa Dowladda Mareykanka waxa ay madaxiisa dul dhigtay lacag dhan Shan Milyan oo Dollar, sanadkii 2012-kii, xilligaasi oo Shabaab ay iclaamiyeen in ay ku biireen Al-Qaacidda, balse Mareykanka ayaa ka qaaday Liiskii xayiraada ee la saaray.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Weboy

Advertisement

Recently Commented

Weboy
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology