Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Al-Shabaab Iyo Sheekh Mukhtaar Roobow

Posted by on Aug 12th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

roobow-abu-manusur1Xaalad deganaansho ah ayaa laga dareemayaa deeganadii saacadihii la soo dhaafay ay ku wada dagaalameen ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa uu wato Sheekh Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur ee ka dhacay gobolka Bakool.

Shalay Gelinkii dambe ayaa Al-Shabaab ay weerareen fariisinka Sheekh Abuu Mansuur ee deegaanka Abal,waxana halkaasi ka dhacay dagaal socday mudo Saacad.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in Muqtaar Rooboow iyo ciidamdiisa ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Shabaab islamarkaana ay haatan ku sugan yihiin deegaanka Abal.

Dhanka kale waxaa deegaanka Abal gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya,si ay u xoojiyaan kuwa Muqtaar Rooboow oo dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Wararkii u dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Sheekh Muqtaar Rooboow ay haatan wadaan dhankooda dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay iskaga difaacaan Al-Shabaab.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog

Advertisement

Recently Commented

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology