Rabshado Ka Dhacay Goobo Kala Duwan oo Ka Tirsan Dalka Kenya

Posted by on Aug 12th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1Dadweyne ka careysan ku dhawaaqistii natiijada doorashada Madaxweynaha ayaa isugu soo baxay meelo ka mid ah dalka Kenya, iyagoo dhigay banaanbax rabshado wata.

Taageerayaasha hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga ayaa waxay xalay rabshado ka sameeyeen Xaafadaha isku raranta ee magaalada Nairobi, sida Kibera iyo Mathara iyo xaafadaha kale ee saboolka.

Sidoo kale banaanbax kale ayaa ka dhacay magaalada ku taalla dhinaca galbeedka ee Kisumu, waxaana isku dhacyo uu dhex maray Ciidamada booliska iyo taageerayaasha mucaaradka.

Ciidamada Booliska ayaa adeegsanaya rasaasta cinjirka iyo tubbooyinka tuura biyaha, waxaana laga cabsi qabaa in rabshadaha ay sii socdaan.

Guddiga doorashada Kenya ayaa xalay ku dhawaaqday in doorashadii ka dhacday dalkaas maalintii Talaadadii uu ku guuleystay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, kaddib markii uu helay 54%, taasoo u suura gelisay in mar kale dib loo doorto.

Hase ahaatee Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga iyo xisbigiisa ayaa horeba ugu gacan seyray natiijadii horudhaca aheyd, waxaana xalay ay isaga baxeen xaruntii Bomas, ka hor inta aan lagu dhawaaqin natiijada rasmiga ah.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa khudbad uu ka jeediyay xarunta Bomas ayaa ugu baaqay dadka Kenyanka midnimo, isagoo sidoo kale dhinacyada mucaaradka u jeediyay walaaltinimo, iskaashi iyo wax wada qeybsi, isla markaana aanay cadaw u aheyn.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog

Advertisement

Recently Commented

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology