Prof. Shariif Xasan: Aqoonyahano Ayaan Wasiirada Koonfur Galbeed Ku Bedelayaa!

Posted by on Jul 29th, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

shariif-XasanSida lawada ogsoon yahay hadal-hayna ugu badan bishan july ee sanadkani 2017-ka ayaa waxaa ay tahay mid uu Shariif Xasan, shacab-weynaha Koonfur Galbeed u sheegayo in dowlad tayo leh oo aqoon yahano uu dhisayo taasi oo xaqiiqda ka fog qiiq isku qariska afkaarta gaaban leh uu ugu talagalay inuu ku mashquuliyo shacabka intey ku mashquuli lahayeen.

Hadaba sida waaqiciga ah marka dowlad waxqabadkeeda la dhaliilo ayaa inta badan isku shaandheyn iyo kala bedel madaxweynuhu qabtaa, su’aalaha isweydiinta leh ayaa waxaanu kusoo koobeynaa qodobadan:

1-wasiirada lagu eedeyey howlkarnimo la’aan maxaa sababay?

2-Hormar-la’aanta Maamulka K/galbeed Ma Shariif Xasan baa mas’uulka ah mise Wasiirada uu sanado ka hor ku tilmaamay Solar oo aanay weligooda nololba arag?

Inkastoo jawaabteedu buugaag ay noqonayso hadana waxaan isku dayaynaa inaanu soo koobno taasi oo ah:

Mida hore Wasiirada K/galbeed waxaa ay u kala baxaan laba qaybood oo kala ah Wasiir Shariif iyo Wasiir-Beleed.

Wasiir Shariif waa kuwa aan lala xisaab tamini hantidii shacabka lahaana midkii ugu yar uu 3 ilaa 4 guri ku dhistey qaarkoodna waxaaba ay soo gateen baabuurta xabada Karin iyo guryo wada shub ah hadana dhulkii Dowlada Soomaaliyeed lahayd ayay kawada dhisteen hantidii iney shacabka si dadban loogu celiyo loogu talagalay.

Wasiiradaas, Waxay Kala Yihiin:

1. Maxamed Cabdullahi Mursal, Wasiiru Dowlada Madaxtooyada.

2. Aadan Xasan Maxamed (Usama), Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha

3. Xasan Xuseen Maxamed, Wasiirka Hub ka Dhigista, Dhaqan Celinta iyo Tababarida Maleeshiyaadka.

4. Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate), Wasiirka Arrimaha Gudaha.

5. Sheekh Xasan Ibraahim (Lugbuur), Wasiirka Maaliyadda.

6. Cabdinaasir Cabdi Caruush, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga.

Wasiir Beeleed waa wasiirada aan lala tashanin magac ahaana wasiir ka ah waa kuwii sanadguridiisi dhoweyd ku tilmaamayay inay yihiin Solar, hadaba Bani’aadam in Solar lagu tilmaamo waa istis-haa ama jees-jees madama Mush-harad uu ka hor-istaagey ayna gaajo darteeda inay u kala cararaan uu ugu talagalay iyaguna baahidooda la hor istaagi-jireen madama Malaa’igta Alle S/W ay Tasbiixda irsaaqato Bani’adamna Solar ha noqdo waa arin murugo leh waqtigana ka hadli doono.

Hadaba wasiir Beleedyada waxaa hubanti ah inaanay howshoodu gabin laakiin iminka ay magdhow xaq ah ay ku leeyihiin Madaxweynaha aan waxba ukala baxsanayn, kuwa kalena sadar muuqda su’aal ka dhan bay Somali tiraahda waa kuwa Magacyadooda kor kusoo sheegnay oo qaa’inul wadanka ah ee u baahan in la maxkamadeeyo uma baahna bedelaad.

Sidoo kale su’aasha labaad ayaa ah mida maanta in wax laga qabto u baahan waayo fashilka ama waxqabad la’aanta waxaa Aabe u ah oo in umadani hormarto Kitaabkiisa ku qorneyn waa Shariif Xasan oo aad xasuusataan Ilaahay ha u naxariiste Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo Baydhabo Magalamadaxda Somaliya u ololeynayo isna Nacayb uu dadkeeda u qabo waa Muqdisho lahaa dhowkii bilood ee Dowlada Somaliya Baydhabo deganayda Gabdhaha shaaha gada ayaa daaro dhisteen markaasu Asmara u karaar qaatey.

Hadaan halkaa kaga harno jawaabtii waxaa kaloo xusid mudan in Maamulka maantey uu fadhiidka ku tilmaamayo oo uu ugu talagalay inaaney waxba kala socon waxaa uu ku xushey inta badan sedax qodob sedax qodob oo kalena qofkii lagu arko waa uu iska soo fogeyn jirey waxayna kala ahayeen:

Shuruudaha wasiirada uu ku xushey kal hore:

a-waa inuu qofka Shariif Xasan Aminasada Haa iyo Maya labaduba uu ka sugo Sakiin.

b-waa inuu maalin walba goobtu joogo Shariifka ku amaano qofkii kasoo horjeedana soo gudbiyo Basaas.

c-waa inuu kawarqabka siyaasada aanay dowladihii Maxamed Siyaad iyo kuwii ka horeyey ka warqabin Tariikhdiisa wax ogaanshaha ay RRA kasoo bilaabato.

Hadaba kuwii la diidanaa ayaa sida hada muuqato uu leeyahay Aqoon yahano ayaan Dowlada golaheeda Wasiiro ka dhigayaa!

Madama aanu ognahay in qowlkiisa iyo ficilkiisa aanu iswaafiqin waxaan fileynaaba sidey soomaali horey u sheegtey AQOON YAHANO TAAGDARAN OO WAQTIGA ISKA DHICIN WAAYEY waa kuwa reer xamar ugu yeraan CILMIGA HORTIIS IGAAR LA AHAADA KAROON!!!.

Isku soo wada duubo waa tii Kitaabkeena ku qorneyd MIYEY SIMAN YIHIIN QOF WAX BARTEY IYO MIDAAN WAX BARAN.

Hadaba Aqoonlaawe iyo Aqoon yahano sidey isula jaan qaadi lahayeen ayaanu daawan doonaa hadaan kuwii reer xamar sheegen lasoo xulin

Nacas Diid

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog

Advertisement

Recently Commented

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology