Duqeyn Ka Dhacdey Gobolka Gedo

Posted by on Jul 17th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

kenya-air-forceWararka laga helaayo gobolka Gedo waxaa habeenkii labaad ka dhacay duqeyn ay geysteen diyaarado dagaal.

Dad ku dhaw deegaanada la duqeeyey ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in duqeynta ay ka dhacdey deegaano lagu magacaabo Kabis iyo Sunuje oo waqooyi uga beegan xarunta Gedo ee Gabahaarey.

Lama oga diyaaradaha weerarka fuliyey dalka iska leh waxaase horey duqeyn uga geystey isla deeganaadaas diyaaradaha dagaalka ee ciidanka KDF ee dalka Kenya. Kenya weli kama hadlin mana sheegan in ay wax duqeyn ah fulisey.

Lama oga khasaaraha ka dhashey duqeyntan oo la sheegayo in lagu bartilmaameedsadey saldhigyo ay leeyihiin ururka al-Shabaab.

Dowladda federaalka ayaan iyaguna hadlin duqeynta ka dhacdey gobolka Gedo.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Weboy

Weboy
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology