Magaalada Gaalkacyo oo Lagu Qabtey Xafladda Isku Dhafka Ciidamada Galmudug Iyo Puntland

Posted by on Jul 17th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

shirka_iskudhafkaXaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa maanta oo Isniin ah ka dhacdey magaalada Gaalkacyo taas oo ahayd tababar loo furaayo iskudhafka ciidamada amniga ee Gaalkacyo ee ka kala socda Galmudug iyo Puntland.

Xafladda furitaanka waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Camey, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Wasiiro ka socda labada maamul, saraakiil iyo madax ka socotey hay’adaha taageera labada maamul.

Ciidamada isku dhafka ah ee ka wada shaqeyn doona amniga Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda ayaa lagu heshiiyey shir labada Madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug ay ku yeesheen Gaalacyo.

Ciidamada isku dhafka ah ee tababarka loo furey ayaa gaaraya 50 askeri oo  labada maamul midkastaa lee yahay  25 askeri,  dhaqaalaha ku baxaya waxaa bixinaya xafiiska UNSOM.

Gobolka Mudug ayaa u qaybsan laba maamul, magaalada Gaalkacyo waxaa qayb kamid ah deggan maamulka Galmudug, waxaa  Gaalkacyo ka dhacay dagaalo aad u culus sanadkii 2016 iyo 2015.

Inkasta oo heshiiskii Cadaado kadib dilal badan ka dhaceen Gaalkacyo, ayaa la is weydiinayaa sida ciidamada la isku dhafey ay u hanan karaan amniga, isuna aamini karaan iyada oo aan la garin dib u heshisiin rasmi ah.

shirka_iskudhafkashirka_iskaudhafka1Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Weboy

Weboy
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology