War Naxdin Leh: Dad Goordhow Lagu Laayay Duleedka Magaalada Muqdisho

Posted by on Jul 8th, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

badnewsWararka laga helayo duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi lagu laayay dad la socday gaari yar.

Dadkaan oo ka yimid qabuuraha degaanka Calamada halkaasi oo lagu soo aasay qof geeriyooday ayaa la sheegay markii ay soo laabteen gaarigii ay la socdeen in lagu hor gooyay gaari kale, kadibna rasaas lala dhacay.

Inta la xaqiijiyay Shan ruux ayaa geeriyootay oo dhamaantood isku reer ah, gaar ahaana ay kasoo jeedaan Reer Xaaji Gaabow, Xaaji Gaabow waa nin ganacsade ah oo si weyn looga yaqaan Magaalada Muqdisho gaar ahaan waxaa aad looga yaqaanaa Degmada Dharkiinley, halkaasi oo uu ku leeyahay Dabaq weyn oo ganacsi, laguna magacaabo Xaaji Gaabow.

Magacyada dadka la laayay, waxaana ay kala yihiin C/casiis Xaaji Gaabow, Maxamed Deeq Caadi Xaaji Gaabow iyo Cabdi Jibaar Xaaji Gaabow iyo ruux kale oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Yare.

Dableyda dilka gaysatay ayaanan la garaneyn sababta ay u dileen dadkaan isku qoyska ah, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in maalmihii dambe reer Xaaji Gaabow, ay ku jireen arimo ku aadan dacwad goof iyo kiisas la xiriira dhul.

Kooxihii ka dambeeyay dilka arxandarada ah ee loo gaystay dadkaasi ayaa ka baxsaday goobtii dilka ay ka gaysteen oo aheyd duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Themes

WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology