Baydhaba: Ciidamo Ka Gadooday Koonfur Galbeed Soomaaliya

Posted by on Jul 5th, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Baydhabo3-1Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xaqiijiyay ciidamo badan inay ka gadoodeen dibna ay ugu laabteen deeganadooda, sida uu sheegay Wasiir ku xigeenka amniga Maamulkaasi.

C/laahi Maxamed Aadan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay ciidankaasi oo dhawaan tababar soo dhameystay inay waayeen mushaarkooda, sidaasi awgeedna ay isaga tageen shaqada ciidannimada Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay markii hore ciidamadan in laga soo kala xulay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, balse hadda dib ay ugu laabteen deeganadii markii horeba laga keenay.

Tirada ciidamada ka maqan Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa wuxuu ku sheegay inay gaarayaan  105 ciidan, kuwaasi oo hadda ka maqan Maamulka.

“Ciidanka maqan waa 105, gadood ahaan ayeey ku baxeen, mushaar ayeey waayeen waxayna ku laabteen deegaannada Shabellaha Hoose oo markii hore laga keenay, cabasho waa ay jirtay, waxaana la isku dayayaa in la xalliyo wax walbo.” Ayuu yiri wasiir ku xigeenka amniga K/galbeed.

Inta badan ciidamada Koonfur Galbeed ayaa cabasho waxa ay ka muujiyaan inaysan si joogto ah u helin xuquuqdii ay ku lahaayeen Maamulkaasi, taasi oo keenaysa dhabarjab ku yimaada shaqada askariga.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress

WordPress
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology