Dhageyso: Madaxweynaha K/galbeed oo Ka Hadlay Arrinta Sheekh Abuu Mansuur

Posted by on Jul 3rd, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

shariif xasanShariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrinta ku aadan Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa marka hore soo dhaweeyay wararka sheegaya in Dowladda Mareykanka ay Abuu Mansuur ka saartay liiska argagixisada, isagoona tallaabadaasi kaga mahadceliyay Mareykanka.

Shariif Xasan oo galabta la hadlay VOA, ayaa xusay in Mukhtaar Roobow Cali ay ka rajeynayan in uu ka tanaasulo fekerkii Al-Shabaab, isla-markaana uu taageero Somalinimada iyo dowladnimada, intaba.

Shariif Xasan, ayaa qaba go’aanka Abuu Mansuur looga saaray liiska dadka la doon doonayo, ay wax weyn ka bedeli karto amniga Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif, ayaa wax wanaagsan ku sheegay haddii Sheekh Abuu Mansuur uu la shaqeeyo Dowladda Dhexe Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in uu la xiriiri doono, si uu ula hadlo.

Shariif Xasan, ayaa Dowladda Soomaaliya ka codsaday in sida ugu haboon ay uga jawaabto go’aanka Abuu Mansuur looga saaray liiska argagixisada.

Mar la weydiiyay tallaabada uu jeclaan lahaa in Dowladda Soomaaliya ay u qaaddo dhinaca Abuu Mansuur, ayuu ku sheegay in dowladdu soo dhaweyso Abuu Mansuur, sida Mareykankuba uu u aqbalay in laga saaro liiska argagixisada, inkastoo sida uu sheegay uu rumeysan yahay in Villa Somalia ay ka shaqaysay qaraarka uu Mareykanku ka gaaray Abuu Mansuur.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu Dowladda Soomaaliya ka codsaday xiriir inay la samayso Abuu Mansuur, ayna ka shaqayso sidii la’isku fahamsiin lahaa ninkaasi iyo dadka deegaanka.

Su’aal ahayd doorkii uu ka Madaxweyne ahaan ku lahaa in xayiraadda laga qaado Abuu Mansuur, ayuu ka gaabsaday in uu faaqido, balse waxaa uu qiray in uu jeclaa tallaabada uu Mareykanku ka qaatay ninkaasi.

Sheekh Abuu Mansuur oo ka tirsanaa Saraakiisha sar sare ee Ururka Al-Shabaab, ayaa waxaa la sheegay in uu khilaaf soo kala dhex galay Amiirkii hore ee Al Shabaab, Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane), sanadkii 2013-ka, ka dib markii uu Godane qaarajiyay Saraakiil Shabaabka ka tirsaneyd.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Ku Dhageyso Mobilkaga.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Weboy

Advertisement

Recently Commented

Weboy
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology