Baarlamaanka Jubbaland oo Laba Xildhibaan Laga Saaray

Posted by on May 28th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

BARJUBBaarlamaanka Maamulka Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland, ayaa isku raacay in xubinimada Baarlamaanka laga saaro laba Xildhibaan oo ka tirsanaan jiray Baarlamaanka.

Kulanka ayaa Xildhibaanada cod gacan taag ah waxa ay isugu raaceen in xasaanada Xildhibaanimada laga qaado Xildhibaanada kala ah Xildhibaan Cabdiqadir Ibraahim Cali iyo Maxamed Cali Yuusuf oo Guddiga Anshaxa iyo Xasaanada ay ku soo eedeeyeen inay jabiyeen Dastuurka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay labadaasi Xildhibaan maanta kadib inaysan ka mid aheyn Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

Lama oga Dastuurka Jubbaland inuu qoraay iyo in kale Xildhibaan Xasaanad leh in Xildhibaano kale ay xil ka qaadis ku sameyn karaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland, ayaa soo dhaweeyay tallaabada Xildhibaanadaasi loogala noqday Xasaanadii ay ku lahaayeen Baarlamaanka Jubbaland.

Xildhibaan C/qaadir Ibraahin Cali oo ka mid ah xubnaha lagala noqday Xasaanada Baarlamaanka Jubbaland, ayaa sheegay Xoog iyo Jabhadnimo in loo adeegsaday ka saaristiisa Baarlamaanka Jubbaland.

Labadan Xildhibaan ee Baarlamaanka Jubbaland laga saaray, ayaa horay weerar afka ah waxa ay  ku qaadeen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

BARJUBJUBJUBAKala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Theme

Free WordPress Theme
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology