C/weli Gaas oo Sheegay Puntland In Duulaan Lagu Soo Yahay

Posted by on May 28th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

GAASMadaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali (Gaas) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Puntland uu ku soo socdo duulaan sida uu hadalka u dhigay.

Xiisado colaadeed oo maleeshiyaad ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa ka taagan Gobolka Mudug, sidoo kale Daacish ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxii Ismiidaaminta ee Boosaaso ka dhacay, labadaasi xaaladood ayuu ku tilmaamay Madaxweynaha Puntland mid muujinayso in Puntland duulaan lagu soo yahay.

Cabdi Wali Maxamed Cali (Gaas) Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay reer Puntland meel kasta oo ay joogaan inay ka shaqeeyaan ammaanka, si looga adkaado cadowga.

“Waxaa muuqata sida hadda wax u dhac dhacayaan, waxaa muuqata in duulaan lagu soo yahay Puntland meelo badan marka in aanu taxadar badan sameyno, la iskana kaashano nabadgalyadeena, Puntland meel ay joogtaba waxaan kula dar daraamayaa in nabadgalyadeeda la adkeeyo, shaqaaqooyinka Mudug ka soo cusoobaanaday, waxaan ku baaqayaa Bulshada meeshaas ku nool labada dhinacba in darisnimada laga shaqeeyo Ramadan ayaa lagu jiraa, Shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso intii dhimatay Allaha u naxariisto, gacan ka xaqdaran ayaa dishay, waxayna taasi nagu sii boorinaysaa cadow raba inuu ku dilo, in la iska celiyo mooye waana ka guuleysanaynaa sidii aan horay uga guulaysan jirnay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Puntland ayaa dagaal kula jirta Kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Galgala ee Gobolka Bari iyo Dagaalyahano fara ku tiris ah oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo ku sugan deeganada Puntland.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog

Advertisement

Recently Commented

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology