Ra’iisal Wasaare Kheyre oo Dhagax Dhigey Jidka Soddonka ee Magaalada Muqdisho+Sawirro

Posted by on May 28th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

kheyre-3-4Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dhagax dhigey dhismaha Jidka Soddonka oo is ku xirta dagmooyinka dhowr ah oo ka tirsan gobolka Banaadir,waxaana dhaqaalaha ku baxaya iska kaashanaya maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo furitaanka Wadada ka hadlay ayaa tilmaamey in shacabka Muqdisho looga baahan yahay inay la shaqeeyaan dawladda, ayna ka qeyb qaataan horumarka ka socda caasimadda si looga gudbo dhibaatooyinka ka dhex jira Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya. Waxuuna cadeyey in Dawladda Hoose ay qeyb muhiima ka qaadaneyso dhismaha waddooyinka iyo sugidda amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlay furitaanka dib-u-dhiska Jidka Soddonka ayaa sheegay in dhismaha wadooyinka caasimadda ay ka qayb qaadanayaan xasilinta aminiga Muqdisho, isla markaana bilow u tahey in shacabku helaan adeegyadii ay dawlada uga baahnaaayeen sida Caafiimad,Wadooyin iyo Amni.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa inay ka shaqeeyaan dib-usoo-celinta billicda dalka iyo dib-u-dhisida caasimada, iyagoo la kaashanaya hoggaankooda”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilihii lasoo dhaafey sameenayey waddooyin muhiim u ah isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ku dhex shaqeeya Caasimadda.

kheyre-1-4kheyre-2-4kheyre-3-4kheyre-3-4kheyre-4-3kheyre-5-1Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology