HABEENKII KOOWAAD WAXAA IFDHAARKA MASJID JAAMACA BAYDHABA BAXSHEY MUXSINAD IN LAGU DEYDO MUDAN+SAWIRRO

Posted by on May 28th, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

8Waxaa mahad dhamaanteeda u sugnaatey Rabi S/W. inagu waajibeyey inaanu soono Bisha barakeysan ee Ramathaan.

Sidoo kale habeenkii ugu horeysey bisha Ramathaan waxaan mahad iyo Duco u jedineynaa Ilaahay ha xafidee Walaasheena Muxsinada ah ee la yiraahdo Muxsin Fadumo C/salaam oo Degan USA, State Minnesota.

Abaayo Fadumo C/salaam ma ahan markii ugu horeysey waxay baal dahab ah kaga jirtaa wax u qabashada Agoonta baydhabo oo 12 cunug oo agoon ah ayay waxbarashadooda iyo arad baxa labada ciidood ee islaamku leeyahay dusha u dhigatey ayadoon weligeeda wax hakad ah gelinin, sidoo kale Ilaahay ha xafidee Muxsinada waxay ka soo qayb qaadatey Abaartii Somali oo idil wada aafeysey qaas ahaan baydhabo barakacayaasheeda cuno iyo waraab iyo bacaha roobka laga galo ugu deeqdey.

Hadaba gudiga afurinta iyo saa’imiintii afurka ay usoo yaboohdey waxay Alle S/W uga baryeen Janatul Fardowsa iyada iyo ehelkeedaba inuu Eebe ku marti qaado Amiin.

Ugu dabnayn walaalaha muxsiniinta ah ee somaliyeed waxaanu ka codsanaynaa inay dadaalkooda soo laba labaan haddii aanan ayagu garab ka helin Ilaahay nama yiraahde howsheena dib u dhac ayaa ku imanaysa dadaalkiina Ilaahay ha idinla garab gallo waxaad baxsataana waa rasaam Aakhiro iyo midaad ku heleysaan Sacaado aduunyo.

1- Sheekh Nuur Dheere, Gudoomiye +252615593718
2- Cabdalla Eelay,            Kuxigeen      +252612080808
3- Bashiir Xabashow      Xiriiriye        +252615590121

Xiriiriyaha Gudiga Afurinta Masjid Jamaca Baydhabo

Bashiir Maxamed Aden

E-Mail afurintabay@gmail.com

8123489101112Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress

Advertisement

Recently Commented

WordPress
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology