FARIIN KU SOCOTO MUXSINIINTII WALAALAHOODA SAA’IMIINTA AH AFURIN JIREY+SAWIRRO

Posted by on May 28th, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2Walaalayaal waxaan idinku salamaynaa salaanta Islaamka ASCWW,salaan kadib anagoo Gudiga Afurinta Saa’imiinta aan afurka haysan ee Masjid Jaamaca Baydhabo waxaanu idinku wargelinineynaa dhamaan inta Ahlu-kheyrka in Maalinta Sebtida ah Ramathaanul-Kariim uu bilabanayo oo ku aadan 27ka Bishan May .

Hadaba Walaalayaal ku dhowaad labatan sanno waxaanu Afurka uga hli jirney Saimiintaan Allaah S/W oo inoo soo adeejiya adoomadiisa salixiinta ah ee har iyo habeen u taagan iney walaalahooda dhanwalba ka garab istaagaan.

Iyadoo aad ogsoon tihiin oo weliba midadii 4ta bilood ahayd ee Jilaalkii dadka simay wadanka oo idil ku habsadey hadana Baydhabo iyo nawaaxigeeda oo aad moodo adkeysigii waa hore inuu ka dhamaaday Ilaahay iyo Muxsiniintiisa ayaa kasoo saaray dhibaatadaasi waxaana ugu badnaa dadka kaalmada bixinayay dadkii raatibka ku ahaa Afurinta Saimiinta aan afurka haysan ee Masjid Jamaca Baydhabo.

Hadaba walaalayaal weli walaalihiina idinkama dhama waxaa ay har iyo habeen ina weydiyaan xalada afurinta sanadkan,dhab ahaan anaguna Ilaahay Gacantii iyo Gacanta Muxsiniinta Somaliyeed ayaan wax kasugaynaa oo aanu ku kalsoonahay wanaagooda walaalnimadooda ,waxaanu marqaati ka nahay hada iyo maalinta Qiyaamaba inaad tihiin kuwa aan Alle S/W ajarkooda dayacin Ilaahayna balantiisa ma buriyo.

Ugu danbeyn sida clipska youtube ka aragtaan sanadkii hore waxaanu la dalac dhacaynay saimiin 600 ilaa 1200 qof ah haddii muxsiin kale oo goobo afurin ah oo badan la furin waxaa marag madoonto ah in 2000 ilaa 3000 qofood soo xadiri doonaan.

Intaasi iyo in ka badanba waxaan ku kalsoonahay Ilaahi Soonka ina kor yeeley iyo adoomadiisa yaqaana Qaniimada xajmiga weyn ee uu leeyahay Ramathaanulkariim.

Ugu danbeyn walalayaal waxaanu idinka codsanaynaa inaad sanadkani dadaalkiina 10jibaartaan wabaalkiinana Alle S/W ayaad ku leedihiin anaguna waanu idin duceynaynaa inuu ILAAHAY DURIYADIINA KA DHIGO DURIYADII NABIYULAAHI IBRAHIM CS.

Gudugia Afurinta Masjid Jamaca Baydhabo.

1-      Sheekh Nuur Dheere     Gudomiye +252615593718
2-      Cabdalla Eelay        Kuxigeen           +252612080808
3-      Bashiir Xabashow  Xiriiriye           +252615590121
4-      Musdhaf H. Sidow
5-      Mad Shariif

NB: Haddii aad u baahataan faah faahin dheeri ah ama talo wax ku ool aad inoo haysaan fadlan E-Mail keenu waa afurintabay@gmail.com

21345678Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress

Advertisement

Recently Commented

WordPress
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology