Xildhibaan Xiddig Oo Ka Hadlay Qorshaha Madasha Horusocod ee Nairobi Lagu Aasaasay

Posted by on May 18th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Xiddig-4-348x170Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo guddoomiye ka ah  madal la magac baxday “Horusocod” ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaaladda Muqdisho wuxuu ku  sheegay in aaney aheyn madal mucaarad ku ah madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha golaha shacabka Jawaari.

Wuxuu sharaxaad ka bixiyay hadafka iyo mowqifka loo asaasay madasha horusocod oo ku tilmaamay madal siyaasadeed oo ay doonayaan  ku midoobaan Xildhibaannada barlamaanka, aqoonyahannada, siyaasiyiinta, qurbojoogta, ganacsatada, saxaafadda, islamarkaana ay furan tahay cid kasta oo doonayso iny xubin ka noqoto.

“Dalka  muddo dheer ayuu ku soo jiray awood qaybsiga 4.5 , waxaan  ka hadlaya in loo guuro axsaab, sida aad ogtihiin xildhibaannada waa in ay xisbi galaan 2 sano gudahood, oo xitaa xubinno waa weyn karaa” ayuu yiri Xildhibaan, isagoo sii raaciyay.

Xildhibaanku wuxuu meesha ka saaray inuu jiro mooshin ka dhan madaxweynaha ama ra’siul wasaaraha oo ay qorsheeyeen.

“Waxaan rabnaa in aan cadeyno, Xildhibaannada waxa ay diyaar u yihiin isla xisaabtan, warka si xun ayaa loo fasiray, waxaan rabnaa in aan cadeyno ma nihin madal mucaarad…ma nihin dad mucaarad ku ah farmaajo ama Jawaari”

Gabagabadii, xildhibaanadu tiradooda lagu qiyaasay 100 ayaa ku kulmay magaaladda Nairobi, kuwasoo u badnaa xildhibaanadii taageersanaa Madaxweynihi hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, waxayna arrintani dhalisay shaki badan oo la xiriira qorshaha waqtiga dhow ee xildhibaanadan.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Theme

Free WordPress Theme
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology