Guddoonka Golaha Shacabka Iyo Deeq Bixiyeyaasha Oo Shir Ku Yeeshay Nairobi

Posted by on May 18th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

barlamaanka-federaalka-348x170Magaalada Nairobi  waxaa lagu qabtay shir u dhaxeeya Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo deeq bixiyeyaasha caalamka ee taageera Golaha Shacabka.

Shirkan oo ka dhacay Hotelka Southern sun Mayfair  waxaa dhanka Golaha Shacabka wafdiga uga qeybgalay hogaaminayey Guddoomiyaha Golaha Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxaana wafdiga ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo maamulka Golaha Shacabka waxaana looga hadlay howlaha hor yaala Golaha Shacabka iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Guddoonka Golaha Shacabka waxa ay shirka kusoo bandhigeen qorshaha sharci dejinta iyo kormeerka hay’adaha dowladda 2017-2020 ayadoo qorshahan ay ku wada cad yihiin sharuucda hortebinta u leh Golaha Shacabka iyo shaqooyinka ay qabanayaan guddiyada joogtada ah oo Golaha Shacabka u qaabilsan kormeeridda howlaha Wasaarradaha Xukuumadda.

Xubnaha ka socday deeq bixiyeyaasha Caalamka ee shirka kasoo qeybgalay ayaa aad ugu riyaaqay qorshaha diyaarsan ee ay soo bandhigeen Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana ay ballan qaadeen iney gacan ka geysan doonaan sida qorshayaashi loo hirgelin lahaa.

Barlamaanka-federaalka1Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Premium WordPress Themes

Premium WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology