Wararka Dibada: Madaxweyne-yaasha Mareykanka Iyo Turkiga Oo Ka Hadlay Xiriirka Ka Dhaxeeya Wadamadooda

Posted by on May 17th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

us and turkeyKadib markii ay ku kulmeen Aqalka Cad, ayaa madaxweynayaasha Mareykanka iyo Turkiga Donald Trump iyo Recep Tayyip Erdogan waxa ay ammaaneen xiriirka  xooggan ee labada dal, iyaga oo aan soo hadal qaadin farqigooda ku aadan habka loola dagaalamayo kooxda Daacish.

Trump iyo Erdogan ayaa labadaba ku qeexay xiriirkooda mid adag. “Waxaan leenahay xiriir aad u weyn” ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka, “Waxaana ka dhigi doonnaa mid kasii wanaagsan sida uu hadda yahay”.

Labada madaxweynaba ma aysan ka hadal go’aankii uu Trump qaatay toddobaadkii tagay ee uu hubka ku siinayo kooxda Kurdish-ka ee YPG ee ka dagaalanta dalka Syria, qeybna ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Turkiga oo tan iyo sanadii 1984-kii la dagaalameysay mucaaradka Kurdish-ka ee gooni u goosadka ayaa walaac ka muujisay in kooxda YPG ay qeyb ka ahaato dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Erdogan ayaa ku dooday in xiriirka kooxda YPG ay la leedahay kooxda PKK uu macnaheedu yahay in hub kasta oo Mareykanka kooxdaas uu siiyo la keeni doono Turkiga, lagulana dagaalami doono ciidamadiisa.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Premium WordPress Themes

Premium WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology