Dagaal Maanta Ka Dhacay Magaalada Beledweyne

Posted by on May 17th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

beledweyneWaxaa degan xaaladda Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ka dib markii uu maanta ka dhacay iska horimaad khasaaro kala duwan gaystay.

Iska horimaadkan oo u dhaxeeyay ciidan taabacsan Dowladda Somaliya iyo maleeshiyaad hubeysan, oo iyagu sheegay inay ka madax bannaan yihiin dowladda, ayaa ka dhacay xaafadda Hawlwadaag.

Labada dhinac, ayaa in muddo ahba ku dagaalamayay xaafadaasi, iyadoona uu iska horimaadkan saamayn ku yeeshay isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee qaybo ka mid ah magaalada.

Xaaladda, ayaa la sheegay in ay caadi ku soo laabatay, markii uu halkaasi gaaray Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, kuna baaqay in dagaalka la joojiyo.

Illaa iyo hadda waxaa la ogyahay in laba qof ku dhimatay dagaalka, iyadoo laba kalana ay ku dhaawacantay, halka rasaastii dagaalka la’isku adeegsanayay ay burbur soo gaarsiisay dhismayaal ka ag-dhow goobta lagu dagaalamay.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaya in mid ka mid ah dadka dhintay uu rayid yahay, halka midka kalana uu ka tirsan yahay maleeshiyada la weeraray.

Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga ee Gobolka Hiiraan, Axmed Cismaan Cabdulle (Axmed Inji), ayaa la sheegay in uu horkacayay Ciidamadii Dowladda, ee weerarka qaaday.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology