Madaxweyne Shariif Xasan Oo Caawa Soo Gaaray Magaalada London

Posted by on May 10th, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

45Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa waxay kasoo dageen Caasimada Dalka Ingriiska ee London.

Waxaa safarkan Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku wehliyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Maxamed Cabdullahi Mursal iyo Agaasimaha Madaxtooyada Cali Shaamey.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u yimid dalka Ingiriiska inuu kaga qeybgalo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo khamiista uu ka furmi doono London.

Shirkan ayaa waxaa shir guddoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Britain, Theresa May.

Shirkan oo hal maalin oo keliya socon doono ayaa waxaa la fillayaa in laga soo saaro War Murtiyeed Soomaaliya looga taageerayo arrimaha dib u dhiska Ciidamada, Amniga, Siyaasadda, Xoojinta Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Arrimo kaloo muhiim ah.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

1 Response for “Madaxweyne Shariif Xasan Oo Caawa Soo Gaaray Magaalada London”

  1. Nacas Diid says:

    Somalia ayaa laga qadkaa iyo Qaainuwadan ayaa lasoodhoweynayaa waa yaab

Leave a Reply

WordPress Blog

Advertisement

Recently Commented

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology