Axmed Xaaf oo Loo Doortay Madaxweynaha Maamulka Galmudug

Posted by on May 3rd, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

axmed-xeefDoorashadii ka socotay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug, ayaa waxaa ku guulaystay xilka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) kadib markii uu ka guulaystay Musharaxii uu la tartamaayay.

Xaaf, ayaa wuxuu la tartamaayay Axmed Cali Hilowle, wuxuuna helay codad gaaraya 54, halka musharaxii uu la tartamaayay uu helay 34 cod.

Sidoo kale waxaa xumaaday hal cod oo ka mid ahaa codadkii ay dhiibteen Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa ku dhawaaqay Natiijada doorashada, iyadoo uu sheegay Madaxweynaha Galmudug inuu yahay Xaaf.

Magaalada Cadaado, waxaa ka dhaceysa rasaas ay ridayaan taageerayaasha Xaaf oo u dabaaldegaya guusha uu xaaf Doorashada ka gaaray.

Baarlamaanka Galmudug ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xildhibaanada codeynaayay, ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa 89 Xildhibaan.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology