Wasiirki Howlaha Guud ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa fiidnimadii caawa lagu diley magaalada Muqdisho. Cabbaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji oo kamid ahaa dhalinyaradii ku korey xerada Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa ahaa 31 jir waxaana lagu tilmaamey wasiirka ugu da’da yar ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wararka soo gaaraya Ishabaydhaba ayaa sheegaya in ilaalada Wasiirka iyo ilaalo kale oo uu watey Hantidhawrka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Nuur Jimcaale ay is rasaaseeyeen oo kala shakiyeen, sidaasna uu ku geeriyoodey Wasiirku. Wararku waxay sheegayaan in Hantidhawrka Guud ee Dowladda Federaalka wax dhib ah soo gaarin waxaana uu ku dhexjirey gaari aan xabbadu karin.
Geerida Wasiirka Hawlaha guud waxaa warbaahinta u xaqiijiyey Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yariisow.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com