Ra’iisul Wasaare K/xigeenka Jarmalka oo Baydhaba Booqday

Posted by on May 1st, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

germanyRa’iisul Wasaare K/xigeenka Dalka Jarmalka Signar Gabriel  oo maanta booqasho kedis ah ku yimod Magaaladda Muqdisho ayaa booqday mid ka mid ah xeryaha ay ku noolyihiin dadka abaaruhu ay soo barakiciyeen ee duleedka Magaaladda Baydhaba.

Ra’iisul Wasaare K/xigeenka, islamarkaana Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka waxaa safarkiisa Baydhaba ku weheliyay Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay Micheal Keating, saraakiil ka socotay dowladda federaalka, waxaana ku soo dhaweeyay Baydhabo Madaxweynaha Maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wuxuu la kulmay, islamarkaana uu guurgalay xaalada qaar ka mid ah dadkii dhibaatadu ka soo gaartay abaarihii ba’naa ee ku dhuftay Soomaaliya, kuwasoo sidoo kale la ildarnaa roobab mahiigan ah oo saddex maalmood ee u dambeeyay ka da’ayay magaaladda Baydhabo iyo nawaaxigeeda.

Signar Gabriel oo noqonaya mas’uulkii ugu darajo sareeyay ee Soomaaliya soo booqdo muddo 30 sanno ka badan, ayaa kadib markii uu la kulmay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre wuxuu ku dhawaaqay deeq lacageed oo gaaraysa 70 milyan oo euro, taasi oo ka dhigaysa deeqda jarmalka ee uu Soomaaliya  siiyay 140 milyan tan iyo markii la doortay madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Premium WordPress Themes

Premium WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology