Walaal Walaalahaaga Bacaha Roobka Laga Galo 6 Dollar Ugu Iibi

Posted by on May 1st, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

aasWaxaa Mahad dhamaanteeda u sugnaatey Allaah S/W ee ina dareen siiyey inaanu u wada gurmano walaalaheena Somaliyeed ee abaartu inta badan wada asiibtey.

Sidoo kale waxaan si gaar ah mahad celin iyo duco u jeedinaynaa walaalaheena Muxsiniinta ah ee daafaha dunida ku kala nool ee inagala qayb qaatey muddada 99ka maalmood ah inaan kaalmooyinkoodi isdaba jooga ahaa  ee kumaan kun oo u baahnaa Alle S/W dartii iyo dartooda ay dholol ku heleen.

Hadaba anagoo ku hadleyna Magaca Naadiga Bayazaaniyiinta Baydhabo NBB waxaan muxsiniinta howsha aanu fuliney dhaqaalaheeda bixisey Allaah S/W uga baryaynaa Aduun Cizzo iyo Sharaf Akhirana ka dhigo kuwo Janatul-Fardowsal Aclaa ku marti qaado Amiin.

Walaalayaal sida cinwaanka aad ku aragtaan waxaan idin xasuusinaynaa in dhowr boqol oo baco ah horey u qaybiney welina baahideeda ay jirto kadib markaan barakacayaasha dhexmarney waxaanu ogaanay baahida ugu daran dhab ahaan iney tahay Bacaha roobka laga gallo mida ugu mihiimsan sababtuna waxaa ay tahay:

Waxaad ogsoon tihiin in baadiyaha guryaha ay ku nool yihiin dadka degani ay yihiin Mundul,madama abaartii dheraatey mundulka saqafkiisa sarre waxaa lagu dhisaa Caws ama Balka hadaba waxaa losoo dejiyey xoolihii u harey oo nolol looga dhigey .

Madama aanu haysan baco ugu yaraan qoyskii laba xabbo waxaa hubanti ah dadkaanu Ilaahay ma yiraahde dhibaato kala kulmayaan dib u noqosho aan lahayn meel roobka kaga gabadaan.

Sidoo kale waxaa mahad Alle ah in inta badan Abayaasha barakacayaasha ay beer abuur u baxeen hooyooyinka iyo caruurti ay goobihii barakacayaasha ku hareen.

Hadaba walaalayaal waxaanu si xushmad iyo baniaadamnimo idinka codsanaynaa Ilaahay xoolihiina ha idin barakeeye in aad usoo baratantaan sidii walalihiina bacaha roobka laga gallo ugu heli lahayn taasi oo qiimaheedu yahay $6 (lix dollar) oo ugu yaraan qoys 6  qof  ka kooban ay gabaad u noqonayso inta cawska iyo balka ilaahay S/W usoo saarayo .

Walaal $60 (lixdan dollar)  waa toban bacood waxaana gabaad u noqonaysaa Lixdan qofood waxaanu markale iyo markaleba Alle S/W dartii idinka codsanaynaa inaad baahida bacaha oo taagani inaad inaga dabooshan Ilaahay Shar insi iyo mid Shaydaanba ha idinka daboole Amiin .

FG: Wixii Faahfaahin Ah Kala Xiriira Walaalkeena Cabdala Shariif  +252612080808

WABILAAHI  TOWFIIQ

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Theme

Free WordPress Theme
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology