Jeneraal Gabre oo Eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya

Posted by on Apr 25th, 2017 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1Jeneraal Gabre oo ah Sarkaal ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Barta Twiterka uu ku leeyahay xiriirka Bulshada ayaa General Gabre, wuxuu ku soo qoray hadalo eedeyn ah oo Madaxweynaha uu ujeediyay, wuxuuna sheegay Madaxweynaha inuu xishmeyn waayay ciidamada Itoobiya ee Amisom ka tirsan.

Sarkaalkaan ayaa sheegay safarkii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Khamiistii Magaalada Baydhaba inuu kula kulmay Saraakiil ka tirsan dowladda Itoobiya oo hawlgalka Amisom qaybta ka ah, waxaana ay ka dalbadeen in laga talo galiyo arimaha siyaasadda Soomaaliya.

Balse Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu ku gacan seyray arintaasi, islamarkaana Saraakiisha ciidamada Itoobiya uu u sheegay inaysan wax shaqo ah ku laheyn siyaasadda Soomaaliya.

General Gabre oo arintaasi ka carooday ayaa hadalkaan qoraalka ah ku soo qoray Twiterkiisa.

“Madaxweynaha Soomaaliya xurmo darro ayuu ku sameeyay ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Ethiopia markii uu booqday magaalada Baydhaba.” Ayuu yiri Gabre.

Tan iyo markii Soomaaliya loo doortay Madaxweyne Farmaajo waxaa aad u yaraa dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee General Gabre, xilli dowladii Xasan Sheekh Gabre uu si aad ah uga soo dhex muuqan jiray kulamo siyaasadeed oo kala duwan.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress

WordPress
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology