Nabadoon Lagu Dilay Magaalada Beledweyne

Posted by on Apr 18th, 2017 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

toogashoNin Nabadoon ahaa, ayaa waxaa caawa lagu dilay xaafadda Hawlwadaag ee Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Dhicisow, ayaa waxaa dilay laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, waxaana uu dilkiisu ka dhacay agagaarka Suuqa Xoolaha Baledweyne.

Ragga dilka gaystay oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa dilka ka dib u suurta-gashay in ay ka cararan goobtii ay falka ka gaysteen.

Ciidamada Dowladda, ayaa daqiiqado ka dib soo gaaray halka uu dilku ka dhacay, waxayna ka bilaabeen baaritaan ku aadan kuwii dilka gaystay.

Goobjooge, ayaa sheegay in Ciidamada Dowladdu ay halkaasi soo gaareen, xilli ay baxsadeen raggii Nabadoonka qaarajiyay.

Nabadoon Mustaf Maxamed Dhicisow, ayaa ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ku soo dooratay Magaalada Jowhar.

Ururka Al-Shabaab, ayaa labadii bilood ee ugu dambeysay kordhiyay beegsiga ay ku hayaan Ergada soo dooratay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

EmailIshabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

Free WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology